Wariye Sidiiq Carab Saleebaan Oo Maalintii Lixaad Saldhiga Dhexe Ee Berbera Sife Sharcidaro Ah Ugu Xidhan
June 25, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Waxa maalintii lixaad sife sharcidaro ah ugu xidhan saldhiga dhexe ee Berbera Wariye Sidiiq Carab Saleebaan oo ka hawlagala Tvga Madaxa Banaan ee SBC ugana warama Gobolka Saaxil. wariyaha ayaa laga soo xidhay wiigan horaantiisii degmada sheekh oo uu ujoogay arimo la xidhiidha xaaskiisa oo dagan balse waxa uu wariyuhu la kulmay mudaharaad jidadka magaaladaas taayiro lagu gubaayay oo uu sawiro ka qaatay kadibna waxa Hutelka uu daganaa ugu tagay oo kasoo Xidhay qalabkii uu sitayna ka qaaday Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Sheekh Aaamin Maxamed Cabdi iyo Ciidan uu hogaaminaayay, waxaanu isla maalintii la qabtay haabenimadeediiba loo soo dhaadhiciyay wariyaha iyo dhawr qof oo mudaharaadkaas loo xidhayna magaalada Berbera oo uu ilaa hada ku xidhan yahay iyada oo aan wax danbiya oo uu galayna aan maxkamad lagu geynin wax qoraal ah oo danbiga loo haysto laga sameeyayna aanay jirin.