Guddida Cadaaladda SomalilandOo Magacaabis, Dalacsiin, Bedal, Iyo Aqbalaad Shaqo Ka Tagid Ku Sameeyay Guddoomiyayaal, Garsoorayaal Iyo ku-xigeeno xeer-Ilaaliyayaal Gobol.
December 1, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodii ay yeesheen salaasada maanta ka dooday isla markaana si qoto dheer u falan-qeeyay dalacsiin, isku bedel, magacaabid iyo ansixin ay ku sameeyeen guddoomiyayaal maxkamadeed, garsoorayaal iyo dacwad oogayaal. 20 garsoore ayaa lagu sameeyay dalacsiin iyo isku bedel halka qaarkoodna loo magacaabay guddoomiyayaal maxkamadeed, sidoo kale 26 garsoore oo ku meel gaadh ahaa ayaa laga dhigay garsoorayaal rasmi ah, guddida ayaa sidoo kale 10 dacwad ooge (prosecutor) u dalacsiiyay ku xigeeno xeer ilaaliyayaal gobol, halka guddidu ka aqbashay 5 xubnood oo u soo gudbiyay codsiyo ay ku dalbanayaan shaqo ka tagis.