Madaxwayne Biixi Oo Xilkii Ka Qaaday Badhasaabkii Gobolka Sanaag, Masuul Cusubna Umagacaabay.
December 2, 2021 - Written by admin
Wareegtooyin Madaxweyne: 01/12/2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-786/122021 iyo JSL/XM/WM/222-787/122021 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey gudoomiye gobol.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Maxamed Cilmi Xuseen,
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland