Wasiirka Arrimaha Dibedda Oo La Waydiiyey Waxa Somaliland Ka Faa’idayso Xidhiidhka Dawladda Aan La Aqoonsanayn Ee Taiwan ?
December 3, 2021 - Written by admin
“Taiwan, waxaanu wadaagnaa waxyaabo badan Oo aanu Shiinuhu lahayn….” Wasiir Kayd.

London(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay xidhiidha ay la leedahay Dawladda Taiwan.
Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo ku sugan Magaalada London, ayaa Waraysi uu siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, wuxuu kaga jawaabay su’aalo laga waydiiyey waxay Somaliland ka faa’idayso Xidhiidhka Taiwan, maaddaama oo ay Taiwan tahay dal aan weli la aqoonsan.