Khabiirka Michael Rubin Oo Si Kulul Udhaliilay Adeegyada Shirkada Fly Dubai Iyo Khiyaamada Ay Kula Kacdo Dadka Tigidhadeeda Goostay!
December 8, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Michael Rubin Oo Ah khabiir ku Takhasusay Arrimaha Siyaasada Islamarkaana Hore Uga Soo shaqeeyey Aqalka Cad Ee Dalka Maraynkanka looga Arrrimiyo, sidoo Kalena faallooyin ka qora Geeska Africa Gaar Ahaan Somaliland Oo Uu Qadiyadeeda Marar badan u bandhigay bulshada Caalamka Kuna Daabacay warbaahinta ugu afka dheer dalka Maraykanka ayaa caawa qoraal uu kusoo baahiyey bartiisa Twitterka waxaa uu si kulul u dhaleeceeyey Adeegyada Shirkada Diyaaradaha Ee Fly Dubai, Waxaanu Qoraalkiisa ku sheegay khabiir Michael Rubin in shirkada diyaaradaha ee Fly Dubai Aanu Arag shirkad ka sumcad xun fly dubai oo kale,Wuxuna Yidhi; “Iyaga Oo Joojiyey Duulimaadyo ay ugu Kicitimi Jireen Meelo kala duwan ayay haddana Tigidhada lagu raaco diyaarada ku iibinayaan xafiisyadooda iyagoo og in aaney u dhoofaynin meelaha ay dadka u jarayaan tigidhkooda”.