Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Go,aan Kasoo Saartay Dacwad Udhaxaysa Ganacsato Reer Somaliland Iyo Markab Ku Xayirnaa Berbera!
December 8, 2021 - Written by admin
Maxkamadda Sare Ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhex-dhexaadin (arbitration) ku dhamaysay dacwad udhaxaysay Ganacsato Wadaniyiin Ah Iyo Markab Berbera ku Xayirnaa.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay cabasho ay u soo gudbiyeen wakiilka shirkadaha Oomaar, Saba-wanaag, Cali Burco, Samaale, Horseed, Barako, Qoormadoobe iyo Nuux oo uu wakiil u yahay Maxamed Cismaan Cabdi iyo Markabka MV Jabal Cali 3 oo ay leedahay shirkada Kenz oo uu wakiil u yahay Liibaan Axmed Maxamed Cashuur.
