Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Si Adag Uga Hadlay Doorashada Golaha Shacabka Dawlada Xamar Uu Boob Ku Tilmaamay Sida Loo Wado
December 11, 2021 - Written by admin
Muqdisho(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlaayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in Musharaxiinta aysan diidaneen doorasho ka dhacda dalka, balse ay diidan yihiin boobka lagu haayo doorashada
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay iney dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo daahfuran, taa badal keedana ay socoto doorasho boob ku saleysan.