Somaliland Iyo Furista Ururada Siyaasadda!Siyaasi Cali Guray. “
December 13, 2021 - Written by admin
“Xeer Lam14 Ma Khuseeyo Doorashada Madaxtooyada, Markaa Sidee Ayuu Xeerkani Isu Waafajin Karaa Labadan Doorasho In Ay Wada Qabsoomi Karaan”Siyaasi Cali Guray,
Dastuurka Somaliland wuxu xaq u siinayaa muwaadiniinta Somaliland inay isu abaabuli karaan ururo siyaasadeed, bulsho, iyo xirfadeed. Laakiin marka ay tahay ururo siyaasadeed oo doonaya in ay u gudbaan xisbiyo qaran dabcan Xeer Baarlaman ayaa qeexaya. Xeer Lam 14 markiisii hore wuxu ahaa in 5tii sanadoodba mar ay xisbiyo/ururo siyaasadeed ku tartamayaan Doorashada Dawladaha Hoose oo xeerku dhigayay in 5tii sanadooba ay mar qabsoomaan. Wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay xeer lam. 14 2011kii ayaa wax badan kala kiciyay markii muddada shahaadadda xisbinimada oo dhaqangal ahayd 5 sanadood uu ka dhigay 10 sanadood taasina waxay kala kicisay furitaankii ururada iyo Doorashooyinkii Dawladaha Hoose oo wuxu keenay waxka bedelka Xeerka markii labaad lagu sameeyay In dadwwynuhu ay u kala codeeyaan ururo iyo xisbiyo Sidaa daraadeed waxaynu odhan karnaa xeerku furista ururadu waa qabyo waana qasab in la helo xeer dhamaystiran oo marka sharciyadda sadexdan xusbi ay burto ay ku soo bixi karaan xisbiyo cusub.