Turkiga Oo Dad Somaliya Soo Mastaafuriyay Iyo Dambiyada Lagu Helay
December 17, 2021 - Written by admin
Istanbul(Berberatoday.com)-Turkiga Arbacadii daraad waxaa laga tarxiilay 40qof Somali ah oo mudooyinkan ku jiray xabsiyada .
Dadkaan ayaa isugu jira kuwo tahriib lagu qabtay, kuwo sharci daro lagu qabtay iyo iqaamadoodii lakansalay ,
Somalida sanadkan sii dhamanaya la qabtay oo la xiray waxay gaarayaan 4,908 , Guud ahaan Turkiga Dadkaasi intooda badan Waa lasoo daayay inta kale oo tahriib ahaan iyo sharci daro loo qabtay Waa la musafuriyay.
Dadka laqabtay sanadkan sidey u kala badanyihiin dhalasho ahaan dalalka :
1. Afganistan ayaa ugu badan : 64,301 qof
2. Suuriyaan : 21,869
3. Pakistan : 15,368
4. Somali : 4,908
5. Ozbekistan : 4,577
6. Ciraaq : 4,159
7. Turkmenistan : 4,072
8. Bangladesh : 4,026
9. İran : 3,305
10. Falestine : 3,023
11. Dadyoowga kalena isku dardarkoda waa ( Other countries ) : 21,511
Wariye Salmaan Jamaal Siciid