Khilaafkii Xeer Lambar 14 Miyuu Dhamaaday?Siyaasi Cali Guray,
December 24, 2021 - Written by admin
“Hadii Wax Waliba Sida Uu Madaxwaynuhu Sheegay u Dhacaan Maxaad Ka Sheegi Somaliland Tagtay, Madaxwayne Muuse Biixina..”Siyaasi Cali Guray.
Xeerka waxa muranka geliyay waxay ahayd soo jeedintii Madaxwaynaha ee ku saabsanayd iswaafajinta sadexda doorasho ee 2022 iyo hadalkii Wasiirka Warfaafintu uu yidhi “laga bilaabo maanta way furan yihiin ururada siyaasaddu”, In kasta oo Madaxwaynuhu labada arin ee muranka dhaliyay aanu hadalkiisii maanta midna ku soo qaadin, hadana wuxu cadeeyay in ay qaldanaayeen ee Xeer Lam.14 uu sidiisa dhaqangal ku yahay. Xalka khilaafka goluhuna marka soo jeedintii Madaxwaynuhu ay meesha ka baxdo dabcan wuu dhamaaday ayay ka dhigan tahay waana xal la isla ogolaan karo waayo ma jiro xal badiil ah oo kale.