Maxkamadda Sare Oo Loo Soo Jeediyey Inay Laasho Qoraal Ay U Gudbiyeen 46-ka Xildhibaan Oo Ka Mid Ah Golaha Wakiillada Somaliland
December 24, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maxkamadda sare ka codsaday inay diiddo oo aanay dhegaysan qoraal ay doraad u gudbiyeen 46 Xildhibaan oo ka mid ahaa Golaha Wakiillada, kuwaasi oo doonaya in la furo Ururrada siyaasadda isla-markaana ku doodaya in Xeerka furista Ururrada siyaasadda oo hor-yaalla Golahoodu uu dhaqan-gal yahay.
Xildhibaan Gujuure oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn ka jawaabay eedaymo uu Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadku u jeediyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, waxaanu yidhi “Wasiir ku-xigeenka shalay hadallo aan qaban kula hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ah Masuulka saddexaad ee ugu sarreeya Waddanka, waxaan leeyahay Wasiir ku-xigeenoow waxaad garan wayday oo iskagaa khaldamay Golaha Wakiillada ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed uu Guddoomiyaha u yahay iyo Golaha Wasiirrada ee aad ka tirsan tahay ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Guddoomiyaha u yahay.