Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyska,Qaraabada Iyo Asxaabta Marxuum Saalim Cubeyd Saalim Oo Ku Geeriyooday Magaalada Berbera.
December 26, 2021 - Written by admin
TACSI MADAXWEYNE: 25/12/2021
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Saalim Cubeyd Saalim oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/12/2021, Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, laguna aasay maanta Xabaalaha Xeebta Saadada.