“Sida Aan Filayo Hadii Cabdiraxmaan Cirro Aanu Ahayn Musharaxa Ku Guulaysan Doona Doorashada 13November, Fili Maayo In Mar Labaad Muuse Dib Loo Dooran Doono”Cali Guray
December 30, 2021 - Written by admin
Siyaasi Cali Guray oo ka hadlay Danta Uu Madaxwayne Biixi ka leeyahay in Ururada la furmo Mudo Xileedkoodii ka Hor iyo Duruufaha ku Gadaaman!
HADII AANAY ILA MEERAYSO AHAYN MOOYI
Ka soo qaad in, sida loo badinayo, Madaxwayne Muse laftiisu wado, in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo doorashada xisbiyada/ uruada uu doonayo in ta dambe ay soo horayso xeer Lam 14 kan degta lagu sidsidana la waafajiyo hadii tirada badan ee xildhibaanada uu taageero uga helo. Markaa Ururada ayaaba la furi karaa January/ February 2022 doorashaduna waxay qabsoomi lix bilood ka dib oo ah June ama July. Hadaba marka hore waxa mudan bal in la iswaydiiyo maxaa dan gaar ah ee ugu jirta shakhsi ahaan iyo xisbi ahaanba Madaxwaynaha? Hadii sadexdan xisbi mid uu saaxadda ka baxo kaba dhig mucaaridka oo weliba u dhaw Ucid ee muxuu faaiidayaa isaga iyo xisbigiisu saw xisbi kaleba soo bedelimaayo oo mar kasta laba musharax la tartami maayo? Marka Kulmiye uu Maxamed Kaahin ku wareejiyo Xirsina yahay gudoomiyaha WADDANI, Maxamuud Xaashi isaguna urur uu gudoomiye ka yahay furto Kulmiye laftiisu hadii aanu saaxaddaba ka bixin waa hadii uu dirqi ku badbaado.