Somaliland Oo Sheegtay Inay Ka Hor-tagayso Isballaadhinta Shiinaha Ee Afrika, Si Ay Taageero Uga Hesho Maraykanka!
December 31, 2021 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa Dawladda Maraykanka u soo bandhigtay qorsheyaasheeda la xidhiidha in laga hor-tago saamaynta Shiinaha ee Afrika, maaddaama oo ay Somaliland ku taallo Goob istaraatiiji ah oo xilligan Saamayntiisa laga dareemayo.
Wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland oo booqasho ku tagay Washington, ayaa Dawladda Maraykanka uga warramay sida ay muhiim u tahay inuu Taageero Somaliland, maaddaama oo ay leeyihiin Cadow isku mid ah, kaasi oo ah Shiinaha oo xilligan faro-gelin ku haya Dalalka Afrika ee Somaliland ka mid tahay.