Warsidaha Globe And Mail Oo Shaaciyey Dalab Ay Somaliland Aqoonsi Kaga Dalbatay Dawladda Canada,
January 7, 2022 - Written by admin
Ottawa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dawladda Canada ka codsatay aqoonsi caalamiya, waxaanay ku boorisay dalalka reer galbeedka inay taageeraan muhiimada dimuqraadiyada taabogalka ah ee ka jirta Somaliland oo la tacaalaysa saameynta dalka Shiinuhu ku leeyahay gobolka Geeska Afrika.
Sidaasna waxa daabacay Salaasadii Warsidaha Globe and Mail, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu tilmaamay in Wasiirka Arrimaha Dibadda JSL, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu socdaalo ku tagay dhawaan magaalooyinka Washigton, London iyo Ottawa, kaas oo lagu xoojinayey cilaaqaadka Somaliland la leedahay dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Canada.