Laba Agaasime Guud Oo Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Oo Dagaal Gacan-kahadal Ahi Dhexmarey Hutel Hargeysa Kuyaala Iyo Sababta Dagaalka Keentay
June 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Agaasimayaasha Guud ee Wasaarada Diinta yo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali,iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan(ilkacase),ayaa isku gacan saarey Huteelka Like-Asal ee Magaalada Hargeysa kadib markii ay isku afdhaafeen arimo kulan ay kuwada lahaayeen halkaasi Masuulyiin kasoo jeeda Gobolkaas.
Ilaa iyo hada lama oga sababta dhabta ah ee ay labadan masuul isku gacansaareen haseyeeshee, waxa dagaalkoodan culus ee dhexmarey goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Awdal Maxamud Cali Saleebaan(Ramaax) oo aan holanin in uu labada masuul ku kala ladqabeeyo ismaandhaafkooda sababey dagaalka gacan kahadalka ah sidoo kale waxa iyaguna goob joog ka ahaa kulankaas wasiirka Arimaha debeda Sacad Cali Shire, wasiirom Kuxigeenada Xanaanada Xoolaha Iyo Warshadaha Cali Dhegoole iyo Cali Gadheer