Ciise Keyd Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Qodobada Ay ka Wada Hadleen Madaxwayne Biixi Iyo Raysal-wasaare Abiy Ahmed.
January 21, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Ethiopia, ayaa Shalay dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha Ethiopia, ayaa kasoo degay gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport, waxaana halkaas kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, xubno ka mid ah golaha wasiirrada, Taliyeyaasha ciidamada kala duwan ee dalka, salaadiin, siyaasiyiin iyo xubno xukuumadda ka tirsan.