Xildhibaano Katirsan Golaha Wakiilada Somliland Oo Safar Ku Tagay Dalka Jabuuti Iyo Ujeedada Socdaalkooda!
January 31, 2022 - Written by admin
Jabuuti(Berberatoday.com)-Xildhibaano katirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa booqasho ku tagay dalka jabuuti halkaasi oo uu kusoo dhaweeyay wakiilka Somaliland ufadhiya dalka jabuuti.

Xildhibaanada ka socday golaha wakiilada Somaliland oo uu weheliyay gudoomiyaha wargayska dawlada ee Dawan ayaa booqasho ku tagay xafiiska safaarada Somaliland ku leedahay dalka jabuuti halkaasi oo uu safiirka Somaliland ufadhiya jabuuti uu uga xogwaramay shaqada ay safaaradu uhayso qaranka Somaliland .