Ruushka Oo Cambaareeyay Ciidamo Dheeraada Oo Mareykanku Udirayo Wadamo Yurub Ah
February 4, 2022 - Written by admin
Ruushka ayaa cambaareeyay go’aanka Mareykanka uu ciidamo dheeri ah ugu dirayo Yurub si ay u taageeraan xulafadooda Nato, iyadoo ay weli jirto cabsida laga qabo duulaanka Ruushka ee Ukraine.
Moscow waxay sheegtay inay ahayd talaabo “Hurinaysa amni Daro ” taasoo sare u qaaday xiisadda hoosna u dhigtay baaxadda xal siyaasadeed!oo lagaadho.
Pentagon-ka ayaa sheegtay in 2,000 oo askari oo Mareykan ah laga soo diri doono North Carolina loona diri doono Poland iyo Jarmalka, 1,000 kale Ay hore u joogeen .
Jarmalka ayaa tagi doona Romania.
Ruushka ayaa 100,000 oo askari ka jooga meel u dhow Ukraine.
Waxayna iska fogaysay moscow in la qorshaynayo duulaan lagu qaado Ukrain