Saylada Xoolaha, Guryo-Samo, Hargeysa. W/Q Cumar Qiyaas
February 5, 2022 - Written by admin
Saylada Xoolaha, Guryo-Samo, Hargeysa.
Waa maalin Arbaca ah, waana subax hore, Habra-wadaagey wuxuu igu yimid Hudheelkii Orientalka ,waxaanu fadhiisanay Balakoonkii huteelka, sidee caadada noo ahyd waxaanu dalbanay 2 koop oo Capuccino ah. Markii aanu dhameysaney koofigii, wuxuu igu yidhi saaka Qorshuhu waa Saylada Xoolaha waana lugteedaay.
Waxaanu sii marney Beer geelkii suuqu Shiraaqle ee ay Islaantu Beerka Ku sameyn jirtey. !!!!! Haduun baan fahmay Foodcade wuxuu u jecleystey Beerkan, show waa mid sida loo shiiley, milixda, basbaaska Iyo duquska lagu daray uu miisaaman yahay, laxooxda ay sameyneyso Inan yar ooy Xaajiyadu tababartey . akhriste Quraacdan
Waa isku Dha-dhan, maalin walba.
Haddii aad ‘Takha-sus ‘ maqli jirtey Alleylahe xaajiyadan ayaa Beer-geelkan Ku takhasustey waa hubaal in aad farahaaga muud muusan doonto Haddii quraacdan Beer-geelka ah ee xaajiyada aad maalin uun soo marto .
Dhexda intii aanu sii soconay, food cade wuxuu ii sheegay, Habro-wadaagtayo , Burco-Laqanyo in ay neefka hilibkiisa Ka jeceshay in ay Badhida neefka hesho oo ay shiilato, shariiryihiisana cunto, subax walba Ku quraacato laxoox badhi lagu daray oo si fiican loo carfiyey oon lahyn sufuudh aad diido.
Akhriste waanad Nala socon ee haddii aad indhahaaga Ku arki lahyd “Burco-Laqanyo” wajigeeda sida uu u hilaacayo , da’ yaraanta Ka muuqata Iyo qoorteedu inta ay leek tahay yaab baad u dhiman lahyd.
Foodcade wuxuu ii sheegay in Burco-Laqanyo ay dunta irbada u geliso xaafada jaarka ah, waxaan xasuusatey markii aan yaraa. Oo aanu Dunbuluq daganeyn in Islaan iyana jaarka ahayd ay neef wal oo la qalo ay soo doonan jirtey Badhida, waxaa bad moodaa in la soo Kala jaray sida ay iskugu eeg yihiin.
Food cade waxa kale oo ii sheegay in uu jiro “Naadi la yidhaahdo, ” Naadiga Badhida oo Rag Iyo Dumbar leh, uu Ka jira Hargeysa, wuxuu intaas ii raaciyey hadaad rabto Waxa aad bixineysaa SLSh.5000. xafiis bey leeyihiin ay isugu yimaadaan saddexdii bilood ba mar ayey macluumaadka Badhida Iyo sheekadeeda isku weydaarsadaan Iyo wax tarkeeda.
Foodcade intaas waxa uu ii sii raaciyey in Badhidu faaiidooyin Fara badan qofka u leedahay, waxa kale oo ii sheegay in “Naadiga Badhidu sanadka 2022 , uu qorsheynaayo in Journaal saddex bilood ah uu rabo in uu soo saaro oo macluumaadka uu ururiyey ugu soo bandhigo dadweynaha.
Foodcade wuu Iga joojiyey sheekadii Badhida markii aanu soo gaadhney Sayladii Xoolaha ee Guryo-samo, iyada oon dhamaan waxaanu yidhi mar kale ayaan kuu dhameystiri.
Saylada Xoolaha waxay suuq u tahay dad badan oo Ka shaqeysta, subax walba waxa la keenaa xoolo faro badan oo kala duwan oo meelo fara badan laga keeno oo Kililka Soomaalidu Ku jiro.
Dhex marney oo marba is dhinac taagney Dilaal Iyo wakiilo xoolo Kala iibsanaaya, Suuqan xooluhu wuxuu leeyahay qaab u gar ah oo soo jirey oo Xoolaha loo Kala iibsado oo aanad sheeko kaga bogan Karin.
Inta saylada aanu dhex soconey waxa indhayga dhinac walba ugu muuqdey muuqaalo Kala gedisan , leh sheekooyin Kala duwan, waa sheeko dheer, hase yeeshee waxaan si gaaban sheeko uga soo gudbin mid Ka mid ah sababta , aniga Iyo Food cade aanu maanta u soo dooraney Sayladan xoolaha Guryo-Samo,
Marka aad dooneyso in aad magaalada Ka dhex baxdo Ka fogaato saxmada magaalada Iyo buuqa gawaadhida waxaad akhriste u Baahan tahay goob aad Ka heli karto bilic , indhaha Iyo maankuba u bogaan oo qalbigu jecleystey dhex joogiisa, hadaba akhriste quruxda xoolahu waa mid indhahaaga jecleysanayo waayo waa Dabeecadii dunida oo Asal ah, Ka waran marka aad aragto, xeyn Adhiya, oo Ido Iyo Riyaba leh, hadana aragto xayn lo’ ah oo midabo Kala gedisan ama tiro Geel ah. Iyo sheekooyin Kala gedisan oo dhinac socda oo ah xooluhu meelaha ay Ka Kala yimaadeen , inta la Kala siistey Iyo inta qof ee ganacsigan maanta mid walba wax Ka soo gaadheen weliba waxa intaa dheer kaftan, goolaftanka , heesaha Iyo gabayada dhex socda.
Makhaayadoo rag fadhiyey ayaanu shaah Ka dalbaney , Ka dibna foodcade ayaa odey Ku yidhi talow saaka sicirka dameerku waa intee, nin Ka mid ah odayaashii baa yidhi, waxaan arkayey nin leh $50 Dollar baa la Iga siiyey saaka Dameer, laakiin weli ma arag Dilaal leh waxaan maanta Dilaal Ka qaatey Dameer., Waxaan xasuusatey Alle ha u naxariisto Abwaan maxamed Cumar Huryo, oo Radiyow Hargeysa Ka leh, nimanyahow weli ma arag Dilaal leh waxaan lacag Ka qaatey Dameer la Kala iibsadey, Huryo waxa uu intaas Ku daray malaha Dawlada hoosana cashuurba Kama qaadato dameerka.