Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Waftigii Ka Socday Beesha Caalamka Iyo Arimaha Ay Ka wada Hadleen!
February 17, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoda.com)-Hoggaanka Sare Ee labada Xisbi Mucaarad Ee WADDANI iyo UCID ayaa galabta kulan la qaatay wefti culus oo ka socday Waddamada Beesha Caalamka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda iyo horumarka oo Hargeysa ku sugan. Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan ee sanadkan 2022 si habsami leh wakhtigooda ugu qabsoomi lahaayeen, isla markaana loo dardar gelin lahaa dhammaystirka wixii caqabado ah.

