Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir Oo Ka Hadlay Arimaha Ka Taagan Dalka Jabuuti Iyo Xogo La Xidhiidha Xadhiga Taliyihii Ciidanka Booliska.
February 19, 2022 - Written by admin
“Maxaa keenay In Maanta Cabdilaahi Cabdi Oo Ahaa Gacantii Adkayd Ee Dawladu Uu Dhex Fadhiyo, (Kuxidhan Yahay) Jeelka Gabood Iyo Qolkii Yaraa Ee Wadaadu Ku Xidhnaan Jireen”Sh. Cabdiraxmaan Bashiir.
Canada(Berberatoday.com)-Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir oo kamid ah culimada jabuuti ee dalka uga baxay arimo siyaasadeed oo la xidhiidha khilaaf soo kala dhexgalay madaxwaynaha dalka jabuuti ismaaciil cumar geele ayaa warbixin hordhaca kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee kazoo korodhay dalka jabuuti iyo xogo la xidhiidha xadhiga taliyihii ciidanka booliska dalka jabuuti cabdilaahi cabdi iyo wasiirkii hore ee maaliyada dalka jabuuti.