Akhriste gelin dambe telefoonka aan qabto,waaba saaxiibkey, khadar lane, W/Q Cumar Qiyas
February 20, 2022 - Written by admin
Akhriste gelin dambe telefoonka aan qabto,waaba saaxiibkey, khadar lane,
Bariido ka bacdi sheekada igu boob.
Idhi, sxb.cajaba cajab,baryahan sheekada waad iga boobtaa ee aynu wadaagno, weliba khadarow hada sheekadu waaba Jimicsi (Exercise). Qosol oo yidhi, sxb.sawdiga og in aan(Ciida-gale,)ahay , wuxuuse ilaabay saaxiibkey in Abtiyaashey Ku jireen bahweyntaas.
Habeenkii gelin dame aniga Iyo khadar waxaanu wada dhageysanaa Radio Hargeysa, waxaanu xusnaa ( Tani waa Hargeyso Hirarka Gaaban Idin kala Hadleysa ) weedhan oo maqalkeed macno bada noo sameeyo,Isago Bristol buu jooga, Anna Holland,Ruuxu wuu socda intaas iyo in ka badan be.
Labadayaduba waxaanu jecelnahay Fanka,Heesaha iyo Gabayada ama Maansoonyinkuba waxay ilaaliyaan Afka Hooyo, welibii heesihii hore oo la nool, bulsho-nololeedka maalin kasta. Gabayada waxa mooda in ay iyagu yihiin (Academic) oo maqaamkeedu yahay Dugsiyada ama Jaamacadaha. Khadar lane kaftankan na dhex maray Iyo caweysimaha aanu wada qaadano intan kuma dhama ee waan u soo noqon.
Akhriste sheekadii hore waxay inoo joogtey foodcade oo Saldhigii Booliska Ku xidhan.
Wuxuu yidhi Nimankii aanu is xigney I waaye, ka bacdina, i baadi doone, Dhakhtaradii Talaajadahii meydka iga raadshe, la iga ma helin, yaab ,Saldhigyadii la iga raadi.
Sadex cisho, kabacdi aya la iga soo helay saldhigii Afar-ridoodka, ku yaalay,
Lacagtiina bixiye la ii heystey ,Saldhigiina ka soo baxay, waxa se la yaab lahaa,Timihii Mey Jac-ta-din, aan sibidhka la jiifey ee way taagan yihiin.
Gartey in meeshu Koofeer ahayd.yaab idhi.
Ma raacin Nimankii Tolka ahaa, waayo lacagtii yareyd baa jeeb tuuga iigu jirta, xagaas Iyo Sinaay baan u jiheystey (Barjo-,Wacan.
25December 2020,waxaan dib ugu laabtey dalkii , ujeeda booqashadeydu way Fara badneyd, bal hadaan yar dul xaadsho dib uguurid dalkiiya aya ku jirtey, Dalka oo aan in badan ka maqnaa oo sababay in qurbo-joogta uun aan u tirsanaado iyana in aan gudi Dalka isna i dhaahdo, wadaadkii soo noqey.
2015kii , ayaan bilaabey in aan bal mareegta nolosha Dalka xog ka soo urursado taas oo maqnaashaygii badnaa keentay in Eber noqoto xogteeydu.hadaba si taas wax uga bedelo Sanad walba waan tegi jirey laga bilaabo 2015.
Sanadkan ugu yaraa waxaan soo joogey 3bilood, 4,bilood ,6bilood Iyo kan u dambeeyey oon Hal sano Iyo 5maalmood soo joogey.
Nasiib wanaag waxaan hada soo noqdey aniga oo arkaya mareegta nolosha boqolkiiba 90%.
Hadaba markii aan soo gaadhey Holland waxaan arkey mareegtii 180%.suaal baa meesha ku jirta sidee bey aragii 90% ku noqdey 180% ? Jawaabteedii Akhriste xisaab Iyo qiimeyn baad u Baahan tahay Ka dib ay xisaabto kuu soo baxaysa.
Foodcade, ama Habra-wadaagey, hada ayuu Huteelkii iigu yimid Balakoonkii Oriental Huteelkii , sidii Caaadadu noo ahayd 2 koop oo cappuccino ah ayaanu cabney, markii aanu koofigii dhameysaney ayuu igu yidhi, Cumarow Habro-wadaag is raaci meyno maanta, bal se waxaan kuu sheegayaa in berito aynu is raaci doono insha-allah, oo Sayladii Xoolaha ku noqon doono ujeedadana Berito markaynu Ku sii socono Ayaan kuu sheegi insha-allah, Akhristayaal jimce wanaagsan
Waxa Qoray Cumar Qiyas