Bosaaso”Qarax Miino Oo Lala Eegtay Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Putland Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
February 21, 2022 - Written by admin
Qarax ayaa lala eegtey weftiga Madaxweynaha Puntland Siciid Deni xilli ay soo geleyeen magaalada Boosaaso.
Qaraxa oo la sheegey in uu ahaa miino ayaa aga-gaarka Ex.Kaantarool afaafka magaalada kula kacay baabuur ciidan oo kamid ah weftiga madaxweynaha.
Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa ku geeryootey ilaa afar kalena waa ku dhaawacmeen.