berberatoday.com
Maalinta Dhagax Tuurku waa dhamacdii hurisay Halganka Geesiyada SNM ee Somaliland ka xoreeyey daalinkii Siyaad Barre iyo huwantii
February 22, 2022 - Written by admin
Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa, dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal meel aad joogtaanba,aan Allaha awoodda leh weydiisanayaa ,inuu inaga yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana.20 February,oo aynu sannad walbba xusnno sannad guuradii ka soo wareegtay maalintii ardayda Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre, waa dhamacdii hurisay Halganka Geesiyada SNM ,ee Somaliland ka xoreeyey daalinkii Siyaad Barre iyo huwantii.Waa maalin ku suntan Qaranimada Somaliland,waa maalin innaga mudan in la xuso ,waa maalin innaga mudan in la xasuusto ,waa maalin innaga mudan in taariikhdeeda la qoro,waa maalin innaga mudan in Iskuulada lagu dhigto.
 
Haddii waqtigu ii saamaxo,Allaha awooda lihina Nafta igu simo, waxaan si kooban isku dul taagi doonaa maalintaasi halka aan ku sugnaa, jawiga magaalada Hargeysa iyo mashaqadii halkaa ka dhacday.
 
Waxaan ka mid ahaa ardaydii Dugsiyada Sare ee joogtay markii Maxakamadda la keenay Macallimiintii, Dhakhaatiirtii,Aqoonayahanadii ee dhallinyaradii UFO,ee xaq darrada lagu soo xidh xidhay,iyadoo sabab looga dhigay , maxaad uga damqateen dhibta iyo caddaalad darrada lagu hayey shacabka.Tusaale ahaan , waxaan u soo qaadan karnaa Cusbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa iyo xaaladda murugada leh ee uu ku sugnaa waqtigaa, xaqiiqadiina ahayd arrin aad looga damqado,laga gil gisho,lagana murugoodo.
 
Waxay ka mid ahayd sababaha keenay in dhalinyaradii UFO , ay u guntadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahida muuqata ee aan indhaha laga qarsan karin,ee bulshada laga cuna qabateeyey inay helaan adeegii aasaasiga ahaa ee nolosha Baniaadamku u baah nayd … Daawo aad u doonato daayoo, nadaafad darrada, tayo xumada,urta & dayactir la’aanta ka muuqatay ,ayaanay nafiba kuu gabateen, haddii aad waqtigaa Hargeysa ku noolaan lahayd.
 
Dhacdada Dhagax Tuurka ee 20 February,1982, maaha mid qoraal kaliya lagu soo koobi karo, waxaanay ahayd maalin hugunka iyo rasaasta dhawaaqeedu magaalada Hargeysa wada gaadhay,qaacuna cirka isku shareeray,dhimashada iyo dhaawucuna tirada ka batay , talana faraha ka haadey . Jaha wareerkaa iyo niyad jabkii maalintaa ku dhacay Daalimiintii Ciidankii Siyaad Barre, waxay naf la caaridkii miciin moodeen in Bandoo (Curfew), lagu soo rogo magaalada Hargeysa ,oon guryaha laga soo bixi karin…..Somalidaa waxay ku maah maahdaa,” Nimaan warankaagu gelin , weedhaadu ma gasho,” waana maalintii Ciidamadii keligii Taliyihii Afweyne Barre ,Umulo dooxii,Dhiigyo cabkii,Basaasiintiisii, iyo Damiir lawaya ashiisiiba, ay yiqiin sadeen in aan amar ku taaglayntoodii, hadda ka dib aanay socon doonin,shacabkuna u dul qaadan doonin Xunkii Xunku dhalay, dhagaxii xaq u dirirkuna , ka dhumuc roonaaday rasaastoodii !!!.Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelkii ,qaraabadii iyo shacabka Somaliland,ee ardaydii iyo dhammaan intiii ku shahiiday maalintii Dhagax Tuurka,waxaanan ilahaay uga bary ayaa inuu naxariistii janoo Fardwasa ka waraabiyo.Waxaan  tacsi gaar ah u dir ayaa, qoyskii uu ka geeriyooday, Ilaahay naxariistii janno Fardawsa ha ka waraabiyee , marxuum Barre Xaaji Cilmi Axmed ( Badho),oo aanu aqoon badan isku lahayn ,kana mid ah aa ardaydii Dhagax Tuurka , ee u geeriyooday dhaawacii rasaastii askartii dhiigyo cabku sida arxan darrada ah ay ugu furayeen ardayda iyo shacabakaba.
 
Anigoo fursaddan ka faaiideysanaya, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhalinyarada Somaliland,waxaanan leeyahay mustaqbalka dalkeenu gacantiinna ayuu ku jiraa, u guntada ,u shaqeeya , difaaca , ilaaliya , kuna mitida inaad adkaysaan Nabad gelyada iyo Qaranimada Somaliland ee aynu naf iyo maalbba ku bixinnay.
 
20 February, oo aynu sannad walba xusnno sannad guuradii ka soo wareegtay maalintii ardayda Dugisyada Sare ee magaalada Hargeysa, ay dhagaxa kala hor tageen askartii hubaysnayd ee dhagar qabihii Siyaad Barre, waa dhamacdii hurisay Halganka Geesiyada SNM ,ee Somaliland ka xoreeyey daalinkii Siyaad Barre iyo huwantii.Waa maalin ku suntan Qaranimada Somaliland,waa maalin innaga mudan in la xuso ,waa maalin innaga mudan in la xasuusto ,waa maalin innaga mudan in taariikhdeeda la qoro,waa maalin innaga mudan in Iskuulada lagu dhigto.
 
Waxaan idinku dhaafayaa , Maansadii Taarikhiga ahayd, ee magaceedu ahaa Hambabber ama Hargeysi ma toostay,ee 1982 uu tiriyey Abwaanka weyn ee Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi ), kuna sahabsanayd dhacdada Dhagax Tuurka:Habeenada weyshaDhurwaa habarteedaDorraad ku hiraabtayHaan-haabadka naaskaHaaneed ka deyeysa   ********Nirgaa hugun yuuskaHalkii lagu oodayHammuunta ka yaw lehRiyaa hoganaayaIdaa tuban heelkaCadceedda hagoogteyHaleelada weyddaDhaqaaq hidin waagaHareeriga taaganDantaa ku habsiiseyInay hakadaane
   ********Dhulkoo hanad joogoIntaan gadadh heerinKa sii degin heerkaHadeer la yaqaano   ********Intaan habqan beeshuHuluulaha oodanKu saan go’in hawdkaIntaan habac jiitanBadhkeed ku hallaabinMarkay habaq baahdoDugaaggu hilbaysanIntaan hawa boodkaFardaa higil raacayKuwii higsanaayeyHummaaggu ka reebinXayeeshku habaabinIntaan halladaadkaHayaanku is waayinHabeenku dhex qaadinHadhow la shallaayinHadaadunka naaftaySidii habas daalkaHawaarsadey ciiddaAnaa hiddiddiidaHobey hobe hoodaDurbaankiyo heestaKu soo hoga geyneAdaa hal abuurkaTixraaca ha’leydaUjeeddada hooseHawaala yaqaaneHaruu orod FaaraxHorweynta jiciirtayHadhaaga u jooji    ********Haydaartiyo doogtaHantaaqada ciilkaDareenka huqdiisaQamuunyada haartaCaloosha hugmaysaHiirtaanyada raagteyDhinbiisha hulaaqdayDabkaan hurin doonoColkaan humin doono    ********Hargaa igu laalanDhowaan henggel baastaNinkaan huwin doonoSabaanka hagaageyBarwaaqada hoortayDaruur iyo heegoWaxaa hogol gaaxsanHadhaysay dushaydaHarooyinka buuxaHoobaanta bislaatayHaraaciga daadkaCaleenta hiraysaIndhaa halacdoodaHibaaqiyo laacaNaftayda hankeedaWaxay hibanaysoHaddii wedku daayoInay heli doontoAnaa huba taase   ********Hambaaber dhowaantaDareen ma hurdaanaDagaal wata heesoHidday u lahaydeHargeysi ma toostayHogaanka ma diidayHarqoodka ma tuurtayInaanay hummaagaHadoodilan yeelinSidii hebel geel ahHeshii Nebi SaalaxHoraadada dhiibinHankeedu ma siiyey.Waxay hibanaysoNinkay la hadlaysoHagaag ma u sheegtayHadday sama weydoInay hantideedaNafteeda huraysoHubaal ma caddaysay    ********Allaylehe waa hogShax aan la hilmaaninMalaa Hugur tiisaWaxaabu u haysteyInaan hayal toosanHarraatii aqoonneMaskii HilqadaaleMa soo hardaf boodey    ********Horaanse u sheegayInaan hadda beeshuHadhiimo ahayneHaddeer waxa joogaHadmaan ka afeeftayHasaasaha muuqdaWallee hagar daamoFalkaagu habeensayHiglooy gabbalkaa dhacHangaalli hungaalliHegaan hega gaalliHunjaalli hantoolliBidhaan had-hadowgaHiwaali hahoodkaJibaanjib hunnuunnuHuraalka hiraalkaHambaaber mardaaliHadeedab mardaadiKallaal himbiriirsiHawaawir hayaayirSadaad herimooyaHunnnuushle hannaashleSareedo hambooriHankooble hayoosheFalaad habbabbaaleHanquusle halowleGaraad himhimowleHayaayub xumaantaHumbaalle dhaqaaqaHallaallimo soofkaHallaasiga sheelkaHarawsiga qaawanHiliiliqa jeexaHigiishis boqoolkaGalbeed hiyi raacaMaraykan ku hiilkaShirqool la hadaafkaHabheeb alalaaskaHinraag qayayaabkaHaraaryada neeftaHantaatac ergeyntaHagaas caga jiidka    ********Walaaac haghagoodkaTawaawac higgoodkaHamuun taltalawgaCalaacal hungowgaHeshiis macaluulkaHunfey salsalaaxaHinfaal wax u sheeggaWasiiro habayntaHoggaanno samaynta    ********Hadhuubada daatayHareero ka leefkaJalbeebta hal leydaRogaal halalleydaHamaal shaqalkeedaHiggaadda shanlleydaHalkaan ka abbaarayHadhauudhku CarraaleHuftoo hufmi waayeMaxaad kala haadin?Intaas haqab beelkaHadhoodho horteed dhehHal baase xasuus ahNin tiisa u heellanHaddaan taladaydaHayaankiyo beeshaHoggaami idhaahdoIn taydi haallawdayAnnaa huba taaseHadhow iyo fullanWaxaanan hurayninInaan hadda yeeloAyaa ka hagaagsanQabiil ku hadaaqaHobsheyntiyo faankaMasayrkiyo haybtaHinaase la boodkaHolayntiyo maaggaHirrooda qab dhaafkaTollaay hebel meeyeySidii horror waalanHilbaa igu yaallaHalgaad kula duulkaColaad hurgumooteyU sii hangagaarkaHeleysada dhiiggu    ********Markuu heleleydaSidii harawaatiHamuun tiro ciiddaDagaal lagu hoobtayHalyey ku idlaadayKa soo hindiwaaskaTabaalada huursanHangoollada qaybtaFulaa halistiisaU sii gacan haadshoHalkay godobtayduKa soo hullanaysoNinkay huntutuulkaKu soo hullaanaysoInaan dib u haybshoHillaabta ka qaadoAyaa ka hagaagsan   ********Shirqool hadiwaagaHiqlaynta riyaaqaHubsiino la’aantaHaloosiga luuqdaHawaawi la boodkaHanuun la jibboodkaDhurwaa halab saarkaWaraabe u heeskaHufnaanta kashaydaNin aan hibo saarayXariir ku habsiiyeyMarkuu hal haleelkaSidii hurin yey ahU soo hal haliiloAnoo hadhsan waayeyI soo hungureeyoInaan hanqalkaygaSidii habla weyntaU soo rogo hoostaInaan af-lahaarkaHarraati ku diidoAyaa ka hagaagsan   ********Hanraawe I boobayMarkuu iga haagoInuu hadhadayduHafeefta xanuunka   ********Markay hurgumootoHoosaaso afuufoHalbawlaha kaygaSidaas kula hoydoNin haad I cunsiiyeyInaan horror siiyoAyaa ka hagaagsanHawraar iyo sheekoHaween laga reebayBeraa habar guurteyHayaan rarygeedaCulaab iyo haamoWaxay hilif saartayHaldhaa kici waayeyHiyeeda gadh jiidkaMarkuu hollan waayeyAyey hindiskeedaHalaanhal ku keentayMidaan kolkaa haabkaMarkaa lagu haynin   ********Waxay tidhi “HoogeyHayaay Cabdi-QaadirHareer qabo awrka”Markuu hayinkeeduHagaag isu taageyAyey tidhi ” haakah”Hebloo gabanteed ahHilowna basteedaMalaa u han weynnaKaraamadan hiirtaKu soo hormanaysaHilmaanina weydeyWadaadka hoggiisaKa soo hangallaystaySiduu ugu hiisheyAyaa tidhi “hooyoMuxuu horta sheekhuInoo yahay haybta”?   ********Waxay tidhi “heedheHibooy ratigeennuMarkuu hingan waayoAyaan huriwaagaHaleel cuskadaayeHabeen ma wadaagnoHaddaan magaciisaDantaydu higgaadinMa soo hadal qaado”Ujeediyo haatanNin tiisa u heeganHalyeynimadiisaHashiisa ku dheelmayIddiisa ku hoysteyInuu hantidaydaHabaynta xilkaygaDhismaa hodankaygaHiddaa sharafkaygaWaxaan nolol haystoHorsed ka ahaadoKa haayir idhaahdoAyaa ka hagaagsan   ********Hashayda nin maalayMarkuu hordhaceedaHabniin kaga daaloInaan hanbadiisaHafriinyaha beentaHabeedda qalaysanKu hoorsado weelkaGobaad ka hillaabtoInaan ku hagoogtoAyaa ka hagaagsanAnoo qaba hawshaHabeen iyo maalinIntaas sida heeryoHabaaska I fuushanInaan ku hungooboHulleeka madhnaantaHamaansiga quustaHamuun la carrawgaHeshiis ku ahaadoNaftayda ka hiishoHugaas doqonniinoHurrow nin I saarayInaanan u hooginCalaacal harraaddanXaqayga ku haybshoAyaa ka hagaagsan   ********Habkii xidinxiidkaDugaag huwantiisaHoryaal ka ahaayeMarkii hankakoobkaLa soo helay guushaLibtii lala hoydeyTukaa yidhi “hoy dayHashaan qalay saamiHagaagna u qaybiHadhowna I toosi”Tukow hayedaaduWaxbay huwanaydeDantiisa ka haybiQorshii hiyigiisaHalkay talo joogtayKa sii wadey hawshaNinkiina hilmaanyeySaqdii dhexe hawdaNinkii hurdey toosyeyHareeraha eegyeyRaqdii ku hungowyeyHanqaar warwareeggaHankaag jaljaleecaHaqdii samri waayeyTukii hanfariirkaWaldeys kula haadyeyGar laysu hankaabseyHamuun gorayaaleNinkii Halac-dheereWuxuu yidhi “hoy warIntaan hana qaadayHadeer iyo caawaHaddee weligaybaInaanan hanbayninHoraad u ogaydeMaxaad igu hiifi” ?    ********Ninkayse ka hoostayMar bay hawireeneKa soo kabey haartaBahaysiga haaddaHilbaa cuniddoodaHabeen gama’iisaInaanu haweysanAyuu han fogaantaHalkii kaga dhaartay    ********Ujeeddiyo haatanRag waa hal adaygeHeddeyda wedkeygaInaan habalyeeyoTubaa halaq yaalkaHog laygu qaniineyKu sii hiradkiisaKa haari agtiisaAyaa ka hagaagsanHaddaanan haddaananHaddaanan dhawaaqaHireyda wireydaHayaay ka kacaydaJahaadka HargaysaBarbaartu hagaysoHaweenka godoodeyKa qayb gelin hawsha   ********Haddaanan haddaananIntii isku hiilaHargaysiyo BaylaIntii la hal maashaBakool hilinkeedaHeeraarta KismaanyoIlaa Hobyo geyninHiiraan u tallaabinRuntay la hudmeeneHaddaanan haddaananSidii hanqar yeedhaHillaac iyo maayadDhulkoo dhan hadhayninBanaadir ka heesinWixii hurda toosinHalyeyada ciilkaKa haajirey ciiddaHalkay talo joogtoU sii farin haadda   ********Haddaanan haddaananWaxaan huro caawaDhammaan huga xaaskaHayla maryahaygaSariirta hanbaadhaKuraasta hagooganAshuunka hunbuuca
   ********Haraaq iyo haadyoWaxaan jaqaf haystoHaddaanan xaraashinWaxay hanti goysoIntaan hub u siiyoDadkayga habayninDagaal u hormayninLa soo hadhin guushaHawraartiyo luuqduCabdow hadalkayguHawaawi kac weeyeNinkii hebel miihi.   ********Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)Senior Certified Network Specialist| CNA | CCNA | FCNSA | MCP | A+ |20 February,2020

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews