Syladii Xoolaha, Guryo-Samo. W/Q Cumar Qiyaas
February 25, 2022 - Written by admin
Syladii Xoolaha, Guryo-Samo.
Subax-Wanaagsan Akhriste, waxaan Ku jeclahay Habro-Wadaageey, kala-haada, maan arag intii aanu saaxiibka ahayn Foodcade oo kaa daaha, in uu ka soo hormaro mooyee, saakana waa sidaan ku wadey, ogi in aanu lahyn balan hore weliba ogi, jihada socdaalku yahay saaka. Surwaalkii ” Jiiniska) ahaa waa ii xidhan yahay Iyo Shaadhkiiba, waxaanse is weydiinaya talow Foodcade muxuu u calmadey Seyladii Xoolaha ee Guryo-Samo.
Saaxiib, Balakoonkii Orientalka inta aanu Yara fadhiisaney cabney 2koop ee Gavinccino ga ahaa, kabacdina waa LUG-TEE-DAAY.
Cumarow, sxb. Waad Ka maqneyd dalka, ee Isbedel weyn baa dhacay,magaalada taad ogeyd, maaha, waxa magaalada soo galay dad badan oo miyiga Iyo tuulooyinka Ka soo galay Iyo gawaadhi faro-badan, oo aanad wadadiiba Ka mari Karen, Waxaad surwaal gaab ah Iyo dad wada siyaasi ah.
Cumarow, hadaba saaxiib marka aan doonaayo in aan xajiintooda Iyo cadhadooda Ka soo yara meydho ayaan xagaa Iyo Saylada Xoolaha tagaa. Hada bal is weydii waayo?
Sxb. Sayladii is bedel kuma dhicin. Seyladi waa tii Boodhka Iyo Siigada lahayd, Ganacsigii Sayladu waa Xoolihii uun, waxaana kala Gata Dilaalkii Iyo Malaalkii,, Sheekaduna waa tii miyi Iyo magaaladu wadaagi jireen.
Araga Xoolaha marka aan indhaha qac ku siiyo, markiiba jeceyl nolosha aya i gala.
Hadaba sxb.weynu ka sii quraacan Xaajiyadii Beerka-Geela, Jecliyaa warkaas idhi Foodow.
Xaajiyadii Beerku, Bariidu Ka bacdi tidhi, Foodcadow, saaka Cumarna waa kula socda, talow Beerkan Geelu ma u dhadhamay?
Idhi, dhadhan Iyo badh Eddo,.
Akhriste, sheekadii saaxiibkey Khadar lane, aan kuugu yara noqdo, ee ma garwaagsan khadar dacwadeydii ahayd aynu sheekada wadaagno, oo dhagba jalaq ii muu siin.
Anna dhageysta wacan iska noqdey waayo, khadar waxaanu wada jecelnahay Barnaamjiyo badan oo Raadiyow Hargeysa ka bixi jirey, waayo-waayo, Iga dhe, Hooriska sheekadayadu waa —– Tani Waa Hargeysoo Hererka Gaaban, Idin kala Hadlaysa.waxa aanan marna Ilaabin karayn, Barnaamijkii Dalmar ee Database Iyo Huryo, Iyo Barnaajkii Magaalo joog xumada.
Siday xasuusiba mid kala ugu noogu sii dhiibeysey, goor dambe ha gaadho, Iyo balan dambe. Caawase khadar wuuxu Ku soo darsadey kubada oo uu aad u jecel yahay in aan Naadiga kubada soo galo weliba , Man United, soona iibso recieverkii yidhi, Anna i idhi Hawraarsan sxb.
Akhriste, Aniga Iyo Foodcade, hada Seyladii soo gaadhney, , dhex marney,kolba goob staagney, waa runtiise, indhaha ayaad ka doogsaneysa, show quruxduba waa daawashadooda, markiiba naxariis Iyo jeceyl dabeecada ah aya ku kalaaya,.
Dhinaca kale, niman shax ciyaaraya laba ciyaarney oo lanaga badi aniyo saaxiibkey,
Wax yar ka bacdi, makhaayad yar oo shaah heysa, 2 koop oo shaah Caano-,Geel. Leh
Ka dalbaney, anaga oo shaahii cabeyna
Waxaanu aragney meel waxooga noo jirtey
oo saylada dhexdeeda ah oo lagu soo
Buuq Ka jiro. Yidhi, Cumarow bal ina keen
aynu soo eegnee.
Waa laba Dumar ah oo macmiil isku ahaa oo
Geel qaliin ah Kala iibsadey shalay, iibku wuxuu ahaa Nooca la yidhaah , Saalax-weyteen.
Waa qaab Xoolaha la qalaayo loo Kala
Iibsado, markaas ganacsigan oo kale lacagta marka dambe ayaad bixineysaa lacagta.
Indha-deeqa oo ahayd xaajiyadii geela qaliinka ka iibsey Caasha shalay, ayaa Subaxdii dambe telefoon kula hadashey oo Ku tiri, qiimihii aan shalay kaa siiyey xoolihii, is kuma bixinayaan ee sicirkii ee Wax ii Saar, yacni kirodhsiimo Ku dar.
Caasha waxay ugu jawaabtey geela weynu kala iibsaney, Indho-deeqeey inaadeer.
Indho-deeqi waxay tidhi geela ii soo celi haddii aanad wax Ku darayn
Show hadaba anagu waxaanu la kulanay subaxdan, geelii oo ay caashi ugu soo celisey Indha-deeqa, oo ay Sayladii soo tubtey isaga oo uu ka maqan yahay neefkii ay shalay qashey.
Indho-deeqi waxay leedahay 5neef ee geela ahayd oo dhan baan rabaa,
Caashina waxay ugu jawaabtey neefkii aan qalay soo nooleyn kari maayee lacagtiisii waa tan Iyo 4tii kale.
Akhriste buuqan Iyo sawaxanka Iyo goleynta lagu soo ururey waa qir-iyo qir, waa la isku dhegen yahay. Markii ay u dhawaaqey in ay dumarkii dagaalamaan ayaa Dilaaliintii Iyo milaaliintii Saylada joogtey soo dhex gashey.
Hadaba Akhriste, Kala qaybsame Dilaaliintii Iyo milaaliintii . Tani halkaas ha inoogu joogto , waxaan kaa sugaya akhriste bal qudhaadhu in aad garta wax ka noqdo soo noqoshadeyda Ka hor.
Sababtii foodcade sylada saaka ii keeney haduun baan fahmay saaxiibayaal show bal adba?
Waxa Qoray Cumar Qiyaas