Madaxweyne-ku-xigeenka Jsl Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Kormeer UKuurgalida Xaalada Abaaraha ku Tegay Deegaano katirsan Gobolka Togdheer.
March 1, 2022 - Written by admin
Burco(Berberatoday.com)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobolka Togdheer, ayaa maanta socdaal indho indhayn ah ku gaadhay deegaanno gobolka katirsan oo ay kamid yihiin Durruqsi, harada Gubataxil, Waraabeeye iyo deegaammo kale.

