Ururka Kubada Cagta Aduunka Ee FIFA Iyo UEFA Oo Dalka Ruushka Ka Hakiyay Dhamaan Ciyaaraha Aduunka Iyo Kuwa Yurub Iyo Sababo Ay Ucuskadeen
March 1, 2022 - Written by admin
Fifa(Berberatoday.com)-Xidhiidhka kubadda cagta dunida ee magaciisa loo soo gaabiyo FIFA iyo Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA, ayaa si rasmi ah u go’aamiyay maanta oo Isniin ah, in la hakiyo ka qaybgalka xulalka qaranka Ruushka dhammaan tartamada ilaa amar dambe.
Arrintan ayaa ka soo horjeedda hawlgalkii milatari ee Ruushka ka bilaabay Dalka Ukraine, kaas oo ay si cad u diideen inta badan ururada caalamiga ah.