berberatoday.com
Afrikanka Iyo Somalida Ukarain Ku Nool Oo Loo Diiday Inay Raacaan Gaadiidka Xadka Poland Ugurayo Qaxootiga
March 1, 2022 - Written by admin
Dowladda Nigeria ayaa cambaareysay wararka sheegaya in muwaadiniinteeda iyo kuwa dalal kale oo Afrikaan ah laga joojiyay inay ka baxaan dalka Ukraine oo ay dagaallo ka socdaan
Isaac, oo ah nin u dhashay Nigeria oo isku dayayay inuu galo Poland, ayaa sheegay in shaqaalaha xuduuda ay u sheegeen “ineysan u ogolayn Afrikaanka”.
“Dib ayaa naloo eryay, waxaana na jugeeyey booliis qoryo ku hubeysan,” ayuu u sheegay BBC-da.

Clayson Monyela oo ah sarkaal ka tirsan xafiiska arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika ayaa sidoo kale sheegtay in ardayda si xun loogula dhaqmay xadka dalkaas.
Waxaa sidoo kale jiray warbixinno badan oo sheegaya in saraakiisha ammaanka ee Ukraine ay dadka Afrikaanka ah u diideen inay raacaan basaska iyo tareenada u socda xadka.
Osemen, oo u dhashay Nigeria, ayaa BBC u sheegay inuu isku dayay inuu tareen ka raaco Lviv si uu u geeyo xuduudka Poland, balse loo sheegay in dadka Ukraine oo kaliya loo ogolaan doono inay raacaan.
Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa sheegay in Ukraine ay ku sugan yihiin ilaa 4,000 oo Nigerian ah oo u badan arday.
Waxa uu sheegay in hal koox si isdaba joog ah loogu diiday in ay soo galaan Poland sidaas darteed ay dib ugu soo laabteen Ukraine si ay u aadaan Hungary.
“Dhammaan kuwa ka cararaya xaalad colaadeed waxay xaq isku mid ah u leeyihiin inay si badbaado leh u safraan sida uu dhigayo Axdiga Qaramada Midoobay, midabka baasaboorkooda ama maqaarkooda waa inuusan wax isbeddel ah keenin,” ayuu Mr Buhari ku yiri bartiisa Twitter-ka.
In ka badan 500,000 oo reer Ukraine ah ayaa ilaa hadda ay u suurtagashay inay ka baxsadaan duulaanka Ruushka.
‘Hotelka loogu talagalay dadka reer Ukraine’
Ardayad jaamacadeed oo lagu magacaabo Ruqqaya, una dhalatay dalka Nigeria, ayaa ka baranaysay caafimaadka magaalada Kharkiv ee bariga dalkaasi, markii la weerarayay magaaladaasi. Waxay sheegtay in ay lugaynaysay 11 saacadood oo habeennimo ah ka hor intii aysan iman isgoyska Medyka ee Poland.
“Markii aan halkan imid waxaa jiray dad madow ah oo waddada hurday,” ayay u sheegtay BBC-da.
Waxay sheegtay in ilaalo hubaysan ay u sheegeen inay sugto maadaama dadka reer Ukraine ay ahayd in marka hore gudbaan. Waxa ay sheegtay in ay arkaysay bas ay ku sheegtay in dadka raacayey ay keliya ahaayeen caddaan loo oggolaa, halka in yar oo Afrikaan ah laga soo dhex xulay safka. Ka dib markii ay saacado badan sugaysay, ugu dambayntii waa loo oggolaaday inay ka gudubto oo waxay u sii dhaaftay Warsaw si ay ugu soo laabato Nigeria.
Aasiya, oo ah ardayad cilmiga caafimaadka oo ka timi Soomaaliya oo wax ka baranaysay Kyiv, ayaa iyana sidan oo kle la kulantay. Markii ay ugu dambeyntii gaadhay Poland, waxay sheegtay in loo sheegay “Hotelkan waxaa loogu talagalay dadka reer Ukraine oo keliya”.
Hadda waxay nabad ku joogtaa Warsaw, halkaas oo ay huteel ka deggan tahay. Si aad uga duwan waayo-aragnimadeeda xuduudka, waxay sheegtay in dadka magaalada ku nool ay kala kulantay soo dhawaynb cajiib ah iyo naxariis.
Dhammaan ardayda Afrikaanka iyo Aasiyaanka ah ee ay la xidhiidho waxa la siiyay hoy bilaash ah. Waxay sheegtay in soo dhawayntu ay ahayd mid xad dhaaf ah.
 
COMMENTS
|