Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Tababbar U Furay Qaar Ka Mid Ah Garsooreyaasha Maxkamadaha Dalka
March 3, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Sare isla markaana ka mid ah khuburada tababarka bixinayay iyo Madaxa Tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin ayaa Shalay tababar u furay 37 garsoore oo ka tirsan Maxkamadaha heerarka kala duwan ee gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobol/Degmo Hawd iyo Maxkamadda Gobol/Degmo Gabilay.