|
berberatoday.com
Dawlada Norway Oo Kiniin Ka Hortaga Cancelka Kadhasha Hubka Nuclear-ka Dadkeedi Ugu Baaqay Inay Qaataan Baqdin Laga Qabo In Ruushku Hubkaas Rido
March 4, 2022 - Written by adminOslo(Berberatoday.com)-Dawlada Norway ayaa dadkeeda ugu baaqday inay qaataan Kiniin la sheegay inuu ka hortag uyahay xanuunka Cancelka ee ka dhasha Wasakhda Hubka Nuclear-ka.
Dawlada Norway ayaa talaabadan uqaaday iyada oo ka baqe qabta in Hubkaasi wax gumaada ee qaaradaha ukala gudba dalka Ruushku rido hadiiba ay wadamada Reer Galbeedku isku dayaan inay ushuraakoobaan oo weeraraan,’
Xogatna ayaa waxa aan kasoo xigtay Said Aamin oo kamida muwaadiniinta Somaliland ee dalkaasi daganaanshaha ka haysta waxaanu sidaas ku sheegay qoraal uu soo dhigtay bartiisa Facebook Halkan hoose ka akhri”
Waxa jira dad badan oo u baahneyn inay qaataan. Kiniinkan , dadkaasi waa dadka ka weyn 40 sanno. Maalmihii u dambeysay waxa waraaqo loo diriyey waalidiinta maagalada Oslo ee caruurtu u dhigato dugsiyada hoose iyo dhexe . Dadka u baahan waxa la sheegaya in ay yihiiin.
Hooyada Uurka leh
Hooyada ilmaha naas nuujinaysa
Caruurta da’ doodu u dhaxayso 3 sanno ilaa 18sanno. Dadka u dhexeey 18-40 waa qaadan karan iyaguna . Lakin qofka ka weyn 40 uma baahna .
Arrinta waxa keenay oo laga baqaya in ruushku isticmaalo hubka loo yaqaan nukliyeerka oo runtii ah hub khatar ah .
Kiniinkan waxa uu dadka uu ka ilaalinaya in uu ku dhaco kansarka ku dhaca qanjidhada .
Said Aamin Oslo NorwayCOMMENTS
|
||||
|
|
|||||