Dagaalka Ruushka Iyo Ukrain Oo Soo Xoogaystay, Madaarka Gabi Ahaanba La Gubay Iyo Wararkii Udambeeyay
March 11, 2022 - Written by admin
Kyiv(Berberatoday.com)-Dagaalka Ukraine ayaa sii xoogeystay, waxaana uu ku fiday magaalooyin hor leh, iyadoo duqayn ba’an xalay iyo ilaa saaka ku socoto magaalooyinka Lutsk, Ivano-Frankivsk iyo Dnipro kuwaasi oo markii ugu horreysay la kulmay duqaymaha Ruushka.
Wasaarada Difaaca Raashiya waxay xaqiijisay markii ugu horreysay inay duqayn ka gaysatay magaalooyinka Dnipro iyo Lutsk, waxaa kale oo uu Ruushku sheegtay inuu qabsaday magaalada istiraatiijiga ah ee Volnovakha.
Warar qaar ayaa sheegaya in koox falaago ah oo gooni goosed ah oo ka soo horjeeda dawlada Ukraine isla markaana taageera ka hela Ruushka ay qabsadeen magaalada Volnovakha,
Ruushku waxay sheeganayaan inay burburiyeen oo ay isticmaal la’aan ka dhigeen saldhigyada diyaaradaha ee magaalooyinka Ivano-Frankivsk iyo Lutsk.
Ciidamada Ruushku waxay kaloo ka sameeyeen horusocod dhanka caasimadda Ukraine ee Kyiv iyagoo iminka u jira 5km oo qura, taasi oo xaaladda ka sii dari karta.
Xog laga helay muuqaallada dayax gacmeedyada ayaa muujinaya in ciidamada Raashiya beddeleen xeellada ayna ka weecdeen dhanka wadooyinka waa wayn oo ay iminka galeen keymaha.
Magaalada Kyiv saaka waxaa gees kasta ka yeeraya qalabka digniinta madaafiida bixiya ee dadka ku wargelinaya inay gabbaad galaan, maaddaama ay soo fool leeyihiin duqaymo.
Ruushku wuxuu sheegayaa in Ukraine isku dayayso inay dagaalka u adeegsato hubka kiimikada, taas oo madaxweynaha Ukraine uu tilmaamay wax lagu qoslo.
Mareykanku waxay horay u sheegeen in hadalka Raashiya uu ka macno yahay in qiil ka dhigto adeegsiga hubka ka mamnuuca ah in dagaalada loo adeegsado ee kiimikada xambaarsan.
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay shir deg deg ah isugu yimaadaan, tani waxay ka dambaysay codsi ka yimid Ruushka oo ku aadan in Mareykanku gacan ku siinayo Ukraine isticmaalka hubka kiimikada.
Facebook iyo Instagram waxay sheegeen inay wax ka beddelayaan xeerarkooda si ku meel gaar si ay dadka ugu ogolaadaan inay ku faafiyeen adeeegooda muuqaalada dhiillada xambaarsan ee ka dhanka ciidamada Ruushka ama Putin.
Ruushku taasi wuxuu ku tilmaamay “dagaal warbaahin” waxayna ka dalbadeen Mareykanka inuu wax ka qabto ficilka shirkada Meta ee isla leh Facebook iyo Instagram.
Berberatoday.com