berberatoday.com
Dawlada Ingiriiska Oo Xayiraad Kusoo Rogtay Hantida Maalqabeenka Ruusha Udhashay Ee Roman Abramovic.Hantida Waxa Kujirta Kooxda Kubada Cagta Ee Chelsea
March 11, 2022 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Shirkadda Three oo lahayd xayaysiiska garamaanta kooxda waxa ay burburisay oo ka noqotay heshiiskii 40-ka milyan ahaa ee ay kooxda kula jirtey. Sida oo kale, shirkadda Nike ayaa iyana ka fiirsanaysa heshiis kor u dhaafay 50milyan oo ay iyana ku wada jireen. Tiro ciyaartoy ah oo kooxda soo iibsan lahayd iyo kuwa hadda jooga oo qanadaraaskoodii dhacayo xagaagan heshiis lagama saxeexi karo, taas oo ka dhigan in ay baxayaan ciyaartoy uu ka mid yahay Rudiger, Christensen, Aspeliquta, Kante iyo Jorginho si bilaash ah, haddii ay baxaanna xilli ciyaareedka danbe kooxdu waa ay la dhibaatoon doonta sii ciyaaridda horyaalka Ingiriiska. Qaybtii iibka kooxdu waxba ma iibin karto, sida oo kale kulamada soo aaddan haddii ay u gudbaan siddeed dhammmaadka koobka Champions League wax taageerayaal oo dhankeeda ka socdaa ma daawan doonaan, waaxana suuragal ahba in FIFA koobkaas kaba joojiso, inkasta oo aan weli war rasmi ahi ka soo bixin.
Roman oo ah bilyanneer Ruush ahi, waxa uu Chelsea iibsaday 2003 tan iyo markaana waxay noqotay tartame joogta ah, waxa uu geliyey hanti badan isaga muddadaas kooxda keenay ciyaartoy waaweyn oo ku kacay qiimo sare, waxaana uu kooxda u hantay koob kasta oo ay ka qaybgashay, waxaana qiimaha kooxda uu gaadhsiiyey in maanta suuqa ay ka joogto 4bilyan, kala badh hantidiisa, waxaana ay adduunka ku haysataa ku dhawaad 200 milyan oo taageerayaal ah inta diwaangshan.
Chelsea xili ciyaareedkii tegay waxa ay noqotay kooxda Yurub ugu wanaagsan, waxa ay hanatay horyaalka Yurub iyo Koobka Kooxaha Adduunka. Caawa se wax ay u eeg tahay laabadka xarriiq kor u socotay muddo labaatan sano ah, inkasta oo UK sheegtay in isku deyi doonto badbaadinta kooxda, waa haddii cid kale laga iibiyo lacagta ka soo baxdaana dawladda aaddo.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews