Sheekh Aadan Sunne iyo Qoyskiisii Oo Maalmo La,laayay Meel Uu Jaan Iyo Cidhib Dhigay Iyo Warar Cusub Oo Ka Soo Kordhay Booliska Somaliland!
March 12, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Muddo saddex maalmood ah ayaa la la’yahay Sheekh Aadan Sunne, meel uu jaan iyo cidhib dhigay isaga iyo qoyskiisiiba.

Aadan Sunne, oo ka mid ahaa Culimada Magaalada Hargeysa ayaa lagu war helay in isaga iyo qoyskiisa oo ka koobnaa 7 hablood, 2 laba Wiil, xaaskiisa ay ka maqan yihiin Guri ay ka deganaayeen Koonfurta Hargeysa.