“Magaalada Tog Wajaale Nina Nin Kama Gacan Wayna, Mar Hadii Sharciga Ninwalba Gacantiisa Ku Fushanayo, Wixii Ka Dhacana…”Ehelada Qoys Lagu Haysto Gurigooda.
March 14, 2022 - Written by admin
“Hooyaday Shan Bilood Ayay Xidhan Tahay, Oo Ay C,I,D Uxidhan Tahay, Oo Dadkii Loo Diiday, Hadii Sharcigu Shaqayn Waayo Qoriga Ayaa Shaqayn”Wajaale.
Togwajaale(Berberatoday.com)-Ehelada Qoys lagu haysto guri ay lahaayeen mudo dheer oo ku yaala magaalada wajaale ayaa sheegay in lagula kacay arin sharciga iyo dawladnimada ku gaf iyadoo hooyada Qoyskan si qafaalasho ah loogu xidhay magaalada gabiley islamarkaana xukun lagu riday iyadoo lagu qasbayo in ay sexeexdo gurigan oo ay ku haystaan dad kale.

