Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Lagu Qaabiley Xarunta Baarlamaanka Maraykanka Ee CAPITAL HILL!
March 16, 2022 - Written by admin
Washington D.C-(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo ku guda jira safarkoodi Maraykanka maalintii Afraad ayaa la kulmay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Odayaasha ee Maraykanka Senator Chris Van Hollen ahna Gudoomiyaha Guddi hoosaadka, Guddida Arrimaha Dibeda ee Aqalka Odayaasha u qaabilsan Afrika iyo Xildhibaan kale oo ka tirsan Aqalka hoose ee Maraykanka, Adam Smith, ahna gudoomiyaha Guddida Adeega Ciidamada ee Golaha Wakiiladda Maraykanka.

