Marwo Edna Aadan Oo Ka Hadashay Safarka Madaxweynaha Somaliland Ee Maraykanka, Dhaliilo Culusna U Soo Jeedisay Soomaaliya
March 17, 2022 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa dhaliilo culus u soo jeedisay Soomaaliya, waxayna sheegtay in aanay jirin midnimo dambe oo dhex mari karta Somaliland iyo Soomaaliya, waxayna xustay in Somaliland waxba lagaga qaadi karin mudahaarado iyo wax la mid ah, iyadoo si gaar ahna u soo dhaweeysay safarkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ee Mareykanka iyo khudbaddii uu jeediyey.