Xisbiga WADDANI Oo Sheegay In Kulankii Guddoomiyahoodu Kaga Qayb-galay Madaxtooyada Lagu Qorsheynayey Muddo Kordhin Mar Kale Loo Sameeyo Xukuumadda
July 1, 2016 - Written by Berbera Today
“Maanta waxa soo baxay Muddo kordhin, markaa Lama Qaadan karo, Guddoomiyuhu ma isagaa keligii Xisbiga iska leh…” Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad Ee WADDANI
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa ku kala aragti duwan in Xilligan laga wada hadlo sidii Xal loogu heli lahaa Saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo doraad ka qayb-galay kulan uu Madaxweynuhu la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka isla-markaana lagaga wada hadlay sidii Xisbiyadu Xal ugu raadin lahaayeen muranka ka taagan Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada oo caqabad ku noqon kara Doorashooyinka Sannadka dambe loo qorsheeyay inay Dalka ka dhacaan, ayaa markii uu dhammaaday waxa uu Guddoomiye Cirro uu Warbaahinta u sheegay inay talo soo jeedinta Madaxweynaha qaateen, “Kulanka aanu la yeelanay Madaxweynaha waxa lagaga hadlayey in Talo-mideysan laha yeesho Arrinka Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, Xeerka Doorashada Golaha Wakiilladana intaasaa ka qabyo, sidaa daraadeedna Madaxweynuhu wuxuu soo jeediyey in Arrintaa Axsaabtu talo-mideysan ka yeeshaan, Annaguna waanu ka qaadanay Madaxweynaha (Soo Jeedintiisa)..”ayuu yidhi, Guddoomiyaha WADDANI, Mudane Cirro.