berberatoday.com
Socdaalkii Madexweyne Muuse Biixi Ee Mareykanka W/Q Cumar Qiyas
March 18, 2022 - Written by admin

Socdaalka madexweyne Bixi wuxuu Ku soo hagaagay, goortii ugu fiicneyd Safar uu dibad ugu baxo, weliba Safar dalka Mareykanka ugu baxo, Ka dib Casuumad uu Ka helay Dawladaha Mareykanka ah Madaxweyne Biden madexda Ka yahay. Maalin ay Somaliland uga haraad badneyd ma jirin in ay hesho fursad tan oo kale ah. Shacabka Somaliland meel kasta oo uu jooga farxad Iyo ididiilo wacan bey u arkeen iyaga oo filashadooduna iyo rajada ay qabaana fiican tahay. Dhinaca kale Cadowga Somaliland, gaar ahaan Dawlada fadhiida ah ee , fiilo-wardhiigley iyo kuwa neceb horumarka Somaliland Iyo guulaha diplomasiyadeed ee u soo gordhey, waxay u ahayd maalmo iyo Asbuucyo madow. Sidii Mujaahid Boobe heestii ku sheegay ayuun baa horteena timid iyaga oo maroora dilaacay, weliba quus ah. Hadaba inta aanan safarka madexweynaha Iyo guulahiisa u gelin Akhriste, gogol yar aan u dhigo. Data Google, wuxu soo qorey, 880 million ayaa Google weydiiyey magaca Somaliland, oo bartey Jumhuuriyada Barakeysan ee Somaliland markii anyu xidhiidhka la sameysaney Dalka Taiwan. Hada safarkan madexweyne Biixi Mareykan Ku tagay 45million aya qalabka Zoomka Iyo Tvyada ugu daawaneyey gogoshii Heritage u fidisey madexweynaha Jumhuuriyada Barakeysan ee Somaliland mudane Biixi. Alle magacooda ha raajiyo madexweynaha maxadka Heritage Foundation. Mr Kevin Roberts.iyo Mr. Joshua Meservy. Abid ma arag mana maqal Gogol sharfeed Ku taal wadama reer galbeed oo wadan kor u qaad Kaas la mid ah gaadhsiiyey. Warbixintii ugu qiimo badneyd oo wada run oo nin Aqoon Sare lihi afkiisii Iyo wadankiisa dhexdiisa Ka sheegaya maxaa ka heybad badan. Wuxuu hadalkiisa Ku gabagabsyey Somaliland Abaal waxay u leeyihiin in la aqoonsado weliba mareykanku ka kawo noqdo Aqoonsiga. Qeybta 2@@d goordhow ayaan akhriste kuu dhameystiri ee guusha safarka oo qodobeysan si cilmi ahna u soo gudbin doono goordhaw Insha-allah.

 

 

Waxa Qoray Cumar Qiyas

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews