Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Madaxweynaha Dawlada Xamar
March 20, 2022 - Written by admin
“Waxaan rabaa caawa inaan dadka reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeedba u sheego in aan u taaganahay qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya”
Waxaan halkan baaq uga diraya dhammaan Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya in ay ku midoobaan in maamulka hada jira la bedelo, hadafka u weyn oo aynu leenahay waa in uusan sii joogi karin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si dalka loo samatabixiyo oo uu hore u socdo. Hadafka koowaad oo aan lee ahay waa kaas waxaan rabaa inaan kala shaqeeyo cidkastoo hadafkaas leh.
Aniga iyo dadka reer Puntland oo ay ugu horeeyaan Xildhibaanada labada Aqal iyo kuwa kale ee State-yada kale iyo dadka Soomaaliyeed dhammaantoodba waxaan rajeynaya in aan kawada qeyb qaadano isbedel muuqda oo ku dhisan nidaam dimuqraadi ah, nidaam horumarka u shaqeynaya, nidaam wanaaga iyo isjacaylka abuuraya, nidaam turxaan bixinaya khilaafaadka dadka, kala dheerashahana iyo bulshada dhexdeedana illaalinaya inuu marwalba Isku soo dhoweeyo.