Dawladda Maraykanka Oo Ogolaatay In Safaarada Somaliland Kasoo Guurto Virginia Oo Soo Degto Washington Sida Safaaradaha Kale
March 24, 2022 - Written by admin
Washington(Berbereatoday.com)-Dawladda Maraykanka ayaa ogolaatay in xafiiski Safaarada Jamhuuriyadda Somaliland ku lahayd dalka Maraykanka laga soo raro magaalada Alexandria ee Gobolka Virginia oo lasoo dajiyo caasimadda Washington DC oo wax yar u jirta Alexandria.
