“Markay Tuban Tahay, Iyo Marka Lala Tago, Waa Tolleeyoo Looma Kala Tago”Waxa Qoray Siyaasi Maxamud Xaashi Cabdi”
March 26, 2022 - Written by admin
“Markay tuban tahay, iyo marka lala tago, waa tolleeyoo looma kala tago”Waxa Qoray Siyaasi Maxamud Xaashi Cabdi”
Eebe mahadii saaka waxaan ka qayb galay soo dhaweyntii Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi iyo waftigii la socday. Waftiga ballaadhan ee madaxweynuhu hogaaminayey oo safar shaqo u tegay cariga Maraykanka, waxaan ku bogaadinayaa guulaha ay u soo hooyeen Qarankeena.
Subax waliba cayn leh, ee saaka waxay ahayd marka siyaasadda sibirta la is geliyo ee hal saf oo qudha la wada galo, isla markaana tunka iyo tagoogada nacabka loo buuro. Saaka waxay ahayd, marka ninka reer miyiga ahi geela ugu heeso: Markay tuban tahay, iyo marka lala tago, waa toleeyoo looma kala tago.
Saaka oo kale, ninka rag ahi ma ambado, oo waxaa u kala soocan waxa la wada leeyahay iyo waxa la kala leeyahay.