“Urur Siyasadeedka Waaberi Wuu Soo Baxayaa Waxaana Suurgal Ah In Cabdirisaaq Ataash Madaxweyne Kanoqdo Somaliland”Cabdi Yaasin Yool
March 31, 2022 - Written by admin
Horta Urrur Siyaasadeedka Waaberi wuu soo baxayaa ta kale marka la joogo Siyaasada Somaliland ,waxaa suurtagal ah in Cabdirisaaq Ataaj oo Madaxweyne ah inaad aragto ha qariibsan,
Beesha uu ka soo jeedo ee Bahararsame, xilligii Somaliland ku jirtay dagaalkii dib uxoraynta ee udhaxeeyey SNM iyo kaligii taliyihii Siyaad Barre ,Beesha Bahararsame waxay diiday inay ka garab dagaalanto ciidanka taliskii dhacay ee
Af-weyne, waana sababta xaafada Bahararsame ee ay Laascaanood ka dagaan loogu bixiyey Madareemin.
Somaliland la wada leeyahay ayaa ina Deeqda.
waan hambalyeynayaa Urrurka Waaberi.Gudoomiye Ataaj waa nin Hantiile ah oo Caalamka Siyaasada usoo gallay magac iyo sumacad inuu ka helo.
Somaliland dhiig Cusub iyo Hogaamiyayaal digtal ah ayeynu ubaahantahay, miyaad aragtay 80-jir badalaya 80-jir ku waas waa in hawlgab laga dhigo.
Cabdi Yaasin Yool