Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson Oo Ka Hadlay Dabka Ka Kacay Suuqa Waaheen Ee Magaalada Hargaysa.
April 2, 2022 - Written by admin
London(Berberatoday.com)-Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa dareenkiisa la qaybsaday Shacbiga Somaliland ee xalay masiibada dabku ku habsatay, waxaanu yidhi “Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka Hargeysa ka kacay ee burburka intaa le’eg ka kacay suuqa furan oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan oo yar yar iyo qoys”.
Waxaanu isagoo hadalkiisa si wata yidhi”Magaaladiinu mar kale ayey dib u dhismi doontaa, UK-na waxay ku dadaali doontaa in aan taageerno dadaalka dib u dhiska ee Somaliland”.