berberatoday.com
Doon Urarneyd Ganacsato Somaliland Ah Oo Ku Gubatay Kuna Dagtay Biyaha Bada Cadan
April 11, 2022 - Written by admin
Cadan(Berberatoday.com)-Doon Uraran Ganacsatada Somaliland Oo Caawa Dab Ku Qabsaday Dekeda Cadan Ee Tawaahi Hanti Badan Ayaa Doonta Ku Gubatay Sida Ay Sheegayaan Wararka Aanu Ka Helnay Doontuna Way Dagtay.
Doonta Dabku Qabsaday Ayaa Udiyaar Ahayd Inay Usoo Safarto Dekeda Berbera Isla Caawa Intaan Shilku Ku Dhicin.
Badeecadaha Doonta Ku Raran Ayaa Ubadnaa Bagaash Waxaan Inta Ugu Badan Leh Sida Lay Xaqiijiyay Ganacsade Magaciisu Yahay Rashiid Ibraahim Ciise Oo Kamida Ganacsatada Badeecadaha Inta Badan Kasoo Waarida Dalka Yemen Sidoo Kalena Rashiid Ibraahim Ciise Waa Wakiilka Sigaarka Qamdanka Ee Dalka Yemen Lagu Sameeyo.
Doonta Ayaa Waxa Mulkiyadeeda Leh Ganacsade Somalilander Ah Oo Layidhaa Cali Ducaale Waana Nin Caana Oo Mudo Dheer Ka Shaqaynaayay Bada Hadiyo Jeer Ku Shaqeeya Doonyaha.
Wakiilka Doonta Iyo Badeecadaha Saaran Ee Cadan Garaad Jibriil Faatax Ayaa Wuxu Sheegay In Dabkii Doonta Qabsaday Ku Faafay Sidaasna Doontii Ku Dagtay Khasaare Weynina Ka Dhashay Badeecadihii Doonta Saarnaa Oo Ubadnaa Subaga Badharka Caanaha Daasadaha Iyo Bagash Kaloo Guurangur Ah Kuwaas Uu Leeyahay Ganacsade Rashiid Ibraahim Ciise.
Ganacsade Rashiid Ibrahim Ciise Aan Khadka Tilifoonka Kula Xidhiidhay Ayaa Ii Sheegay In Hantida Doonta Ugu Rarnayd Ay Dhamayd 711000$ Dollar Badeecaduhuna Ay Kala Ahaayeen 20.000 Kartoon Oo Caanaha Sadaha Ah Iyo 7000 Karton Oo Subaga Badharka Ah.
Geesta Kale Mulkiilaha Doontani Gubatay ee Dagtay Cali Ducaale Maxamed Oo Aan Khadka Tilifoonka Kula Xidhiidhay Isagoo Jooga Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya Ayaa Sheegay In Doontani uu dhawaan Dalka Hindiya Kasoo iibsaday Soona Siistay Lacag Dhan 400$ Kun oo Dolar Mudo 4 Bilood ahna ay Kashaqaynaysay Yemen Iyo Jabuuti Safarkanina Ahaa Keedii Uhoreeyay ee ay Somaliland Ku Timaado, Sababta Dabku Kacay Ayuu Ku Sheegay Cali Ducaale Makiinada Doonta Oo Shoodh Ka Dhashay Sababay Gubashada.
Mulkiile Cali Ducaale Maxamed ayaa sheegay inay Doontani Noqonaysi  Doontii 5aad ee Ka Gubata ama Bada Kaga Dagta Ilaa 1999 ilaa Maanta oo 2022 Lagu Jiro Waxaanu Lacagta Dabku Kaga Sahaday Shantaa Doonyood Ku Sheegay 1900,000$ Milyan Iyo Sagaal Boqol Oo Kun Oo Dollar.
Cali Ducaale ayaa Wuxu Xukumada Somaliland Ka Codsaday in Laga Gacan Siiyo Khasaaraha Hantiyteed ee Soo Gaadhay Maadama uu Yahay Muwaadin Mudo Dheer Dalkiisa Usoo Adeegaayay Doontii Ugu Horeysay Ee Dekeda Berbera Kusoo Xidhay Markii Somaliland Dalka Dib Uqabsatayna Ay Ahayd Miduu Isagu Leeyahay Khasaraha Shanta Jeer Soo Gaadhay Ayuu Sheegay Hal Mar Doon Kaga Gubatay Berbera 90 Kun Oo Doolar Xukumadii Axmed Siilanyo 2016-kii ka Caawisay.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews