berberatoday.com
Mulkiilaha Doontii Caawa Ku Gubatay Biyaha Bada Yemen Cali Ducaale Maxamed Oo Codsaday In Laga Caawimo Khasaaraha Soo Gaadhay Hantidiisii
April 11, 2022 - Written by admin

Berbera(Berberatoday.com)-Mulkiilaha Doontii caawa Cadan ku gubatay kuna dagtay Cali Ducaale Maxamed oo khadka tilifoonka aan kula soo xidhiidhay Shabakada Berberatoday,com isagoo jooga Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa sheegay in  Doonta Caawa Ka dagtay Tahay doontii 5aad ilaa 1999-kii ilaa hada oo lagu jiro Sanada 2022-ka ka gubata ama Ka dagta.

Cali Ducaale Wuxu Sheegay Doontan Caawa gubatay ee dagtay inuu bishii January ee Sanadkan 20202-ka kasoo iibsaday Dalka Hindiya magaceeduna uu yahay Gosh Sadani Isaga oo kusoo iibsaday lacag dhan 400,000$ Afar Boqol oo Kun oo Dollar

Doontii ugu horeysay ayaa wuxu sheegay inay ka dagatay Sanadkii 1999-kii halka tii ku xigtayna ay ka dagtay 2009-kii Halka tii Sadexaadna ka dagtay 2011- doontii afraad ayaa 2016kii kaga gubatay doonta udambasay ayaa noqonaysa tan caawa 12.04.2022-ka kaga Gubata Dalka Yemen gaar ahaan biyaha Bada Cadan.

Cali Wuxu sheegay khasaaraha isdaba jooga ah ee soo gaadhay mudadaas in Markaliya doon kaga Gubatay 2016kii Berbera xukumadii Axmed Siilanyo Ku Caawisay Lacag 90,000$ Sagaashan Kun oo Dollar ah inta kale se uu isagu la dabaashay khasaaraha kuhabsaday.

Cali Ducaale Maxamed oo ah nin caan ku ah ku shaqaynta doonayahay ayaa sheegay inuu doontii ugu horeysay Dekeda Berbera kusoo xidhay sanadkii 1991-kii markii Somaliland dib uqabsatay Dalka Xiligaasoo uu sheegay inuu dalka keenay badeecad baahi weyn loo qabay oo isugu jirtay raashin iyo bagaashba xiligaas oo dalka ay ka talinayeen jabhado cid usoo badheedhaysay inay hantidooda kusoo aaminana aanay jirin balse uu isagu biime kuyimi.

Cali Ducaale ayaa Xukumada iyo Ganacsatada Somalilandba ka codsaday in laga caawiyo Khasaaraha soo gaadhay maadama uu yahay Muwaadin In Badan Dalkiisa Somaliland usoo Shaqeeyay ilaa hadana diyaar u ah in usii shaqeeyo.

Galabata Markii Doontu Ka Goosanaysay Dekeda Cadan Ka Hor Intii Aanay Guban Weeye Muuqaalkan Hoose

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews