Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Dhacdadii Jeelka Hargaysa Iyo Xadhiga Xukuumadu Kula Kacday Suxufiyiin Tiro Badan.
April 14, 2022 - Written by admin
“Madaxwaynuhu Cid Kasta Oo Uu Colaystaa Haday Colaysto, Anigu La Yaabi Maayo, Iligna Waxan Qabaa In Laga Gardaran Yahay”Siyaasi Cali Guray.
AFKU WUXU LA XOOG YAHAY…,
Inta Aan Ogahay May Jirin dhabaato wayn oo ka dhacday Xabsigan. Waxay ahayd arin ay ahayd in ay ku koobnaato Maamulka Xabsiga Dhexe. Hadii uu maamulku ka baqdo in xaaladdu faraha ka baxdo in ciidan dheeraad ah uu dalbado si xaaladda uu gacanta ugu qabto lafteeda xaq buu u lahaa. Wixii intaa ka badan ee dhacayba waa buunbuunin baan u arkaa.
