Berbera city. ( Albaabkii Horu-marka). Waxa Qoray Cumar Qiyaas
April 15, 2022 - Written by admin
Berbera city. ( Albaabkii Horu-marka).
Gabayaagii weynaa ee Imrul-Qays, (494-544).
ee reer Yeman, waxa lagu casuumey Berbera, wuxuu na u tiriyey Gabey, uu ku amaanaayo ( fir wanaag fardaha Berbera leeyihiin).
Waa kan Imrul-Qays, gabay uu ku amaanaayo fardaha Berbera fir-wanaagooda :+++++++++
وورد ذكرها في الأشعار الجاهليّة قبل الإسلام ، كقول امرئ القيس واصفاً فرسه في قصيدته الّتي نظم سبكها حين توجّه إلى قيصر مستنجداً به على ردّ مُلكه إليه والانتقام من بني أسد [6] :
على لاحب لا يهتدي بمناره إذا ساقه العَود النّباطيّ جرجرا
على كلّ مقصوص الذّنابى معاود بريد السُّرى باللّيل من خيل بربرا [7]
قال الأعلم الشنتمري في شرح ديوان امرئ القيس : ” وخص خيل بربر لأنها كانت أصلب الخيل عندهم وأجودها ” [8]
وفي قصيدة أُخرى له :
وبعد أبي في حصن كندة سيّداً يسود جُموعاً من جيوش وبربرا
Gabayadiisa waxa lagu dhigan jirey Dugsiyada, marka la baranayo Cilmul udabaa, Aqoontii dhaqan yahanada iyo Gabayadooda.
Berbera taariikhdeeda mar walba wey nooshahay casri wal oo lagu jiro,
Sababtuna waa barta ay ku taalo qiimaha ay leedahay.
Ibnul-khalduun, Caalimkii reer (Tunis), kitaabkiisii u horeeyey ee Juqraafiga waxa uu ku qorey magaalooyinka Berbera iyo Sylac, halka ay Juqraafiga Aduunka kaga taalo.
Akhriste waa Qarnigii 13@@d.
Waqtigaas mabuu jirin wadanka( USA), la yidhaahdo maanta ee xooga weyn iyo wadamo badan oo taariikhdooda aad maqashaa maanta.
Taariikhda Qaarada Americana, cidna may-aqoonin, waayo lama Sahamin warkeed na lama hayn intii ka horeysey ,aan ahayn sahamintii , October 12, 1492.
Akhriste, taariikho badan oo waqtiyaas ayey leedahay, muhimadeydu hada maaha taariikh ee gogoshaas gaaban aan kaga baxo.
Berbera , wajigii ay lahayd mar aan
boqosho ku imid.1997.iyo mar kale 2021,
Isbedelka iyo horumarka ay sameeysey.
Markan dambe berberi waxay lahayd mid soo jideneysey qof kasta oo boqosho ku yimaada.
Aniga waxayba iila muuq eekeyd wadamadii
Yurub, een nolosheyda inta badan ku qaatey.
Qoraalkaas akhriste waxaan ku idhi++++++
Burji,burhaan iyo buruud bey isku-darsatey
(Berbera), haddii Dawladaha reer Galbeedku,
yeelan lahaa, waxay odhan lahaayeen, (Berberi) waa Jubiter, ama Maaris amaba
waa kowkab dhulka ku yaal.
Safarkii madexweyne( Biixi) ka bacdi waxay Berberi aniga iila muuqataa , magaalada , maal-gashiga ugu badan maal gashan doono, kuwo badan degaanba u noqon doonto.
Magaalooyinka dunida jira , akhriste, ,saddex shey baa qiimo u yeela, , oo kala ah:——
1- Bad, 2- webi, 3-Buur..
Qoraalkan waxaan ku soo gabagabeynaya.
Muwaadin goorma ayaad Berbera soo siyaaraneysaa.
Mapkii Berbera iyo saylac, ee (Ibnul-khalduun)
waxaan idin kula wadaagi doona muraayada hoose.
Kulan dambe
Qalinkii Ruuxiga ahaa
Omar Qiyas