“Waxaan Ka Xumahay Xadhiga Loo Geystay Inta Badan Weriyeyashii Dalka, Sumcad Iyo Magac Wanaagsan Uma Aha Guud Ahaan Dalka”Cabdirisaaq Ataash Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waaberi
April 15, 2022 - Written by admin
Waxa Qoray Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Waaberi Cabdirisaaq Ibraahim Ataash
“Waxaan ka xumahay xadhiga loo geystay inta badan weriyeyashii Dalka, Sumcad iyo magac wanaagsan Uma aha Guud ahaan dalka.
Uma arko sida wax u dhaceen in ay le, egtahay sida wariyaasha loola dhaqmay,
Waxaan maqlaynaa in qaar kamid ah wariyaasha ay soo gaadhay dhibaato ama dhaawacyo, haday jirto waa ceeb iyo Dembi kale oo dheeraad ah oo ay tahay in labaadho, Waxaan codsanayaa in dhamaan xoriyadooda loo celiyo weriyaasha.
Sidoo kale waxaaynu ognahay in mudo aad u fara adan uu xeerka saxaafadu ku xanibanyahay golaha Wakiillada, waxaan ku dhiiri gelinayaa Xildhibaanada inay xeerkaas kusoo daraan kalfadhiyadooda ugu soo horeeya si loo dhaqan geliyo