“Saxaafadda Somaliland Iyada Ayaa Cid Walba Uga Tacab Iyo Lexejeclo Badan Horumarka Qaranka Iyo Ilaalinta Jiritaankiisa”War Murtiyeed Ay Soo Saareen Warbaahinta Madaxa Banaan Ee Somaliland
April 15, 2022 - Written by admin
WAR-SAXAAFADDEED
Ujeeddo: Cambaareyn Xadhiga Suxufiyiinta magaalada Hargeysa
Kulan ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee warbaahinta madaxabannaan ee Somaliland ayaa lagaga wadahadlay xadhiga suxufiyiinta tirada badan ee ku xidhan magaalada Hargeysa, falanqayn dheer kadibna waxa kulankaas ka soo baxay qodobadan.
1.Suxufiyiinta Somaliland waxa ay si adag u cambaaraynayaan xadhig-wadareedka lagula kacay suxufiyiinta ka hawlgala warbaahinta madaxabaanaan, kuwaas oo maalintii saddexaad si sharci-darro ah ugu xidhan Hargeysa.